Shirka Arrimaha Soomaaliya ee London oo Maanta furmaya 

Waxaa maanta si rasmi magaalada London ee dalka Ingiriiska uga furmaya shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyaada.

 

Shirka ayaa inta diirada lagu saari doonaa arrimo quseeya Soomaaliya, gaar ahaan Ammaanka, Siyaasada, Dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada iyo qodoba kale.

 

Marka laga tago madaxda Soomaalida shirkaasi waxaa ka qeyb galaya ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, dowladda Mareykanka, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo wakiilo ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.

Shirkaan waa kii seddexaad ee lagu qabto London, waxaana maanta si wadjir ah u shir guudoomin doono madaxweyne Farmaajo, ra’isul wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Qm Antonio Gutteres, kaasi oo socon doona mudo hal maalin ah.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media