Shirka Arimaha Somalia ee London oo hadda Furmay

Magaalada London ee Dalka Britain waxaa hadda ka furmay shirka looga hadlayo arimaha Somaliya,waxaana si wadajir ah shirka u furay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Raisul Wasaaraha Dalka Britain Theresa May.

Shirka waxaa ka qeybgalaya in kabadan 40-Dowladood iyo Hey’ado caalami ah,waxaana sido kale Madasha kusugan Madaxweynaha Maamul Goboleedyada Somaliya

Xubnaha madasha kusugna ayaa waxa ay kahadlayaan xaaladaha Somaliya iyo heerka nololeed ee iminka ka taagaan,mas’uuliyiinta ayaana soo jeedinaya  in lagarab istaago Dowlada Federalka Somaliya.

Qodobada ugu muhiisan ee laga hadlayo ayaa waxaa kamid ah arimaha Amniga ,Dowlad wanaaga iyo Dhaqaalaha.

waana Shirkii Sedexaad ee loo qabto Somaliya tan iyo 2012-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media