Shir looga hadlayo Amniga oo Maanta ka furmaya Magalada Garoowe

Maant ayaa lagu wadaa in Magalada garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland uu ka furmo shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada.

Shalay gelinkii dambe waxaa magalada Garoowe gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan wasiirada amniga dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa looga hadalayaa arrimaha amniga dalka sidii dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay weli gacanta ku hayaan.

Shirkaan looga hadlayo amniga ayaa waxaa horay loogu qabtay inta badan xarumaha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.,iyada oo laga soo saaray qodobo ku saabsan Amniga dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media