Shir dib u heshiisiin ah oo u furmay Beelo mudo 16 Sano ah dagaalamayay

Qorileey iyo meygaagle inta u dhxeysa 16 sano dagaalamayay laas caanood  dhinaca koonfureed 70km u jirta 160 Askari

Wararka naga soo gaaraya  Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka Meygaagle uu ka furmay shir lagu heshiisiinayo Beelo Walaalo ah oo wada dega halkaas balse tiro dhowr jeer wada dagalamay.

Kulankaan ayaa waxaa la sheegayaa in uu Maalintii labaad halkaasi ka socdo,isla markaana ay goobjoog ka yihiin Waxgarad ka so kala jeeda Beelaha ay dirirtu dhex martay oo la sheegayo in mudo 16 Sano ah uu dagaalkooda soo socdo.

Deegaanada ay Beelaha ku dagaalameen ayaa kala ah Meygaagle, Qoriloow iyo Cagaarweyne balse ugu dambeyn la filayo in xal laga gaaro.

Deegaanka Meygaagle ee Gobolka Sool ayaa waxa uu 70km u jiraa Magaalada laascaanood,waxaana lagu guuleystay in maleeshiyaadkii dagaalamay lakala qaado,waxana iminka deegaanka Meygaagle ka socda shir lagu heshiisiinayo labadaasi Beelood.

Qodobadii ka soo baxa shirkaas Wararkeena dambe ayaad ku maqli doonaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media