Shini argagax gelisay dad ku nool Koonfurta dalka Sweden

In ka badan toban kun oo shini ah ayaa la sheegay inay ku soo xoomeen Dhismo ku yaalla bartamaha magaalladda Malmö.

Shinida waxay dhismahaasi ku xoonsanayeen tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.

Waxay isku gedaamin dhamaan daaqadihii Dhismahaasi.

Wargeyska Sydsvenskan newspaper, ayaa qoray in ay shinida saamayn ku yeelatay dadka xitaa jidka marayey.

Qof filim ka soo duubay Shinida oo lagu magacaabo Käck ayaa u sheegay Wargeyska inay shinida  oodeen daaqadihii, isla markaana ay isku dhereriyeen jidka.

Hay’adda  Shini-xannaaneeyahaya ee The Malmö Beekeepers’ Association (MBA) ayaa loogu yeeray si ay u maareeyaan Shinida Isbaaradda u dhigatay dadka ku nool Dhismaha ay baroosinka dhigten.

Sarkaal ka tirsan Hay’adaasi oo lagu magacaabo Pers Andersson ayaa sheegay inay shinida ka yimaadeen  deegaano kale.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Booqradda Shinida ay ku dhacday dhulka ku dhereran Dhismaha ay ku soo xoomeen, taasina ay keentay inay Shinida isku qeylo-dhaan dirsadaan, kuna soo xoomaan halkii ay Boqorada Shinida ku sugnayd.

Pers Andersson ayaa fuliyey hawlgal ballaaran, iyadoo Sanaadiiqda lagu xannaaneeyo shinida uu keenay, halkaasi oo la sheegay inay galeen shini tiradoodu u dhexeysay 10,000 ilaa 15,000 oo shini.

Dhinaca kale, dhibaatadda ayaa la sheegay inaysan weli dhamaanin, iyadoo ay weli shini kale ku sugan yihiin Dhismihii hore.

Hay’adda xannaanadda Shinida ee “The Malmo Beekeepers’ Association” ayaa la sheegay inay xilligan tabar lahayn, waxayna dadka ku nool Dhismahaasi ku goodiyeen inay u yeeri doonaan Shaqaalaha buufiyo Cayayaanka “The Pest Control”.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor