Sawiro: Shil sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay G/Bari

Shil Gaari oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa Maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Bari kadib markii sida la sheegay ay isku dhaceen laba gaari.

Shilkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Carmo iyo Boosaaso ee Gobolka Bari,waxana inta la xqiijiyay ku geeriyooday laba ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen oo saarnaa labadii gaari ee isku dhacday.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dadka deegaanka kuwaas oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeelobay shilkaas,kuwaas oo badankood la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Shilalka ka dhaca mararka qaar deegaanada ,Maamulka Puntland ayaa sababa khasaaraha dadka saaran gaarigaas,waxana loo sababeynayaa burburka Wadooyinka qaar ee deegaanada uu Maamulo Maamul goboleedka Puntland.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media