Shil khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

25 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay dhaawacmeen kadib marki baabuur xamuul ah oo ay la socdeen uu ku gaddoomay deegaanka Crash Program oo qiyaasti 10-km dhinaca koofureed kaga beegan magaalada Jowhar ee xarnta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Sabeellah Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in shilka uu yimid kadib marki ay isku dhaceen laba baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada, kuwaasoo midna uu waday dad rakaab ah kan kalana ay saarraayeen ku dhawaad 100 neef oo ari ah.

Dadka dhaawaca ah oo uu ku jiro darawalkii baabuurka waday ayaa isugu jira 21 rag iyo 4 dumar ah.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka amniga ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, dadka dhaawaca ah ayaa dhamaantood isla xalay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayey isbitaalka magaalada Jowhar.

Ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadkii la socday baabuurka kale ee xoolaha waday, marka laga reebo dhowr neef oo ari ah oo ay gaareen dhaawacyo jabniin ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media