Shil Khasaare Sababay oo Ka dhacay Magaalada Garoowe

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku waramaya in maanta uu ka dhacay shil gaari oo sababaykhasaare dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada.

Inta la xaqijiyey shilkaasi waxaa ku dhintay Afar ruux, waxaana ku dhaawacmay Todobale, sida ay goobjooogayaal u sheegeen Radio Dalsan.

Shilka ayaa yimid, markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah oo xowli ku socotay iyo sidoo kale gaari yar ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka .

Deegaanada Puntland  waxaa ku soo laalaabtay Shilalka gaari ee ka dhaca , iyadoo inta badan ay ka dhashaan khasaare isugu jira  dhimasho iyo dhaawac.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media