Shil geestay khasaaro Nafeed oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Shil geestay khasaaro ayaa ka dhacay qeybo kamid ah duleedka Magaalada muqdisho gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Ceel-Macaan,kadib markii laba Gaari oo Wadada marayay ay isku dhaceen.

Inta la xaqiijiyay shilkaas Afar Ruux ayaa dhaawac ka soo gaaray oo mid kamid ah ay tahay Haweeney sida uu radio dalsan Muqdisho u shegay qof kamid ah dadka deegaanka Ceel-Macaan.

Shilka kadib ayaa waxaa dadkii saarnaa labadii Gaari ee isku dhacay u gurmaday qaar kamid ah dadka deegaanka ceel-Macaan,iyadoo dadkii dhaawaca uu soo gaaray loo soo qaadaay Gudaha Magaalada Muqdisho si loogu Dabiibo.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Ceel-Macaan ayaa waxa weli ka muuqda burburkii soo gaaray xiligii dagaaladii sokeeye,waxanan jirin cid iskudayday in ay dayactir ku sameyso.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media