Shiinaha oo ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay mudnaanta Koowaad siiyaan Danaha Qarankooda.

Ku-xigeenka Ergayga Joogtadda ee Dowladda Shiinaha u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Wu Haitao ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay ka hadlay Kulanka ay 15-kaa xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha Somalia, wuxuuna ku baaqay in la sii wado Dadaalka Nabadda ee Somalia.

Diplomaasigu waxa uu intaasi ku daray in dadaalka Nabadda Somalia haatan galay Marxallad adag, isla markaana la filayo in Doorashooyinka qabsoomaan dabayaaqadda sannadkan.

“Weli waxaa jirta waddo dheer, si Nabad iyo Horumar loogu soo dabaalo Somalia” ayuu yiri Ergayga, wuxuuna sii raaaciyey in Ummadda Soomaaliyeed laga sugayo inay horumar ka sameeyaan Dib-u-dhiska Qaranka.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Ergayga Joogtadda ee Shiinaha u jooga QM, Wu Haitao waxa uu bogaadiyey Hoggaaminta xooggan ee Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Kooxaha Siyaasadda Somalia inay mudnaanta Koowaad siiyaan Danaha Dadka iyo Qaranka Somalia iyo inay Wada-xaajood ku xaliyaan Aragtiyadooda kala duwan, si loo xaqiijiyo Nabadda, Deganaanshaha iyo Horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Shiinaha waxay ka mid tahay Dowladaha xubnaha Joogtadda ka ah Golaha Ammaanka ee QM, isla markaana safka hore kaga jirta Dowladaha taageeradda Siyaasadeed iyo midda Dhaqaale la garab taagan Dowladda Somalia.

Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Dowladood ayaa ah mid soo taxnaa muddo dheer, waxayna Dowladda Shiinaha ka hirgeliyeen dalka Somalia Mashaariic Horumarineed oo ay ka mid yihiin Isbitaalka carruurta iyo haweenka ee Banaadir, Garoonka K/cagta ee Mogadishu Stadium iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor