Shiinaha oo Teendhooyin ugu deeqday Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya.

Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga Kenya, waxa u ushalay Dowladda Kenya ku wareejiyey deeq loogu talagalay in lagu hagaajiyo xaalladda Nololeed ee Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xerooyinka Dhadhaab iyo Dhagaxleey ee W/bari Kenya.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay Dekedda magaalladda Mombasa waxa uu sheegay inay Deeqdan ka kooban tahay 5,800 oo Teendhooyinka waa weyn ee loogu talagalay in gabaad looga dhigto Qorraxda iyo Qabowga.

Safiirka waxa uu sheegay in Deeqdan timid, kadib, markii uu Ra’isul-wasaraaha Shiinaha uu bishii May ee sannadkii hore booqasho ku yimid Kenya, isla markaana uu ballan-qaaday inuu taageero u fidinayo Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya.

Dhinaca kale, Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab waxaa haatan ku nool ku-dhawaad 350,000 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo in ka badan 20-sanno ku noolaa Xeradaasi.

Waxaana la sheegayaa inay Xeraddaasi tahay tan ugu ballaaran Caalamka ee lagu xannaaneeyo dadka Qaxootiga ah.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor