Shiinaha oo kaalin xooggan ku yeelanayso Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo dalalka Geeska Afrika

Haweeneyda Afhayeenka ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha, Hua Chunying ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay kaalin ballaaran ugu yeelan lahaayeen dadaalka loogu jiro Nabadda iyo Deganaanshaha Geeska Afrika.

Afhayeenadda oo la hadashay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa tilmaamtay in deganaanshaha guud ee Geeska Afrika dan u tahay dalalka ay saamayso.

Mar wax laga weydiiyey wararka la xiriira inay Dowladda Shiinaha qorsheynayso inay Saldhig Milliteri ka samaystaan dalka Jabuuti, waxay sheegtay inay arrintaasi tahay hadafka guud ee dalalka Shiinaha, Jabuuti iyo waddamadda kale ee Calaamka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismail Omar Gelle ayaa horey u sheegay inay soo dhaweynayaan Joogitaanka Shiinaha ee Mandiqadda iyo Daldhig Milliteri oo ay ka samaystaan Jabuuti.

Madaxweynaha waxa uu intaasi ku daray in Labada Dowladooda ay u socdaan wada-haadalo lagu xaqiijinayo arrintaasi.

Jabuuti waxaa saldhigyo Milliteri ku leh Maraykanka, Faransiiska iyo Japan, kuwaasi oo u adeegsada Marsadda Jabuuti hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaab iyo Alqaacidada Yemen iyo Kooxaha Burcad-baddeeda ka qowleysta Xeebaha Somalia.