Sheikh Shaakir “ Nama Quseyso Doorashadii Galmudug”

Maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna ayaa ka hadlay, markii ugu horeysay doorashada madaxweynaha Galmudug ee shalay ka dhacaday magaalada Cadaado, islamarkaana madaxweyne loo doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Ahlu sunna Sheikh Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay inaysan qusyen doorashadaas, oo uu ku soo baxay Xaaf, islamarkaana xusay inay ahayd mid gaar ah, mowqifkoodiina uu yahay halkiisii.

Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf khudbadiisii ugu horeysay ee uu jeediyey shalay waxaa uu ku sheegay inuu wada hadal la furi doono maamulka gobolada dhexe, islamarkaana uu ka mira dhalin doono, inkastoo  Ahlu sunna aysan wali ku qanacsaneen isbadalka hogaanka Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media