Sheeko Siyaasadeedka Taagan: Siyaasaddu waa Daneysi !!!

Hadal-haynta Isbuucan ka shidan Majlisyadda Fadhi-ku-dirirka waxaa ugu muhiimsan Shirkii Kismaayo ee lagu kala kacay iyo Dhacdadii Askarta Kenya ee lagu weeraray Ceel-cadde, kuwaasi oo noqday hal haada iyo mid haybsha.
cafateria 000Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, oo aan ka fariistay halkii aan ka xulan jirey, waxaana dalbaday  Koob Shaah.

Waxaan la soo baxay Buug yar oo aan inta badan wax ku note-gareysto, waxaan dib u milicsaday Qoraalladii aan horey ugu asteystay, kuwaasi oo u badnaa Hadal-haynta Bulshadda iyo Sheeko Siyaasadeedka Taagan.

Inta aan ku mashquulsanaa Akhrinta baalasha hore ee Buugga ayaa waxaa dhegahayga ku soo dhacay qof I bariidinayo, mise waa Saaxiibkayga Jamaal.

Marka aan isa salaanay oo uu soo fariistay ayaan u dalbay Sharaab Qabow, kadibna waxaa inoo bilowday  Wada-sheekeysi kooban.

Markii aan dhowr daqiiqo wada sheekeysanay ayuu ii sheegay inuu ku degdegsan yahay Xafiiskiisa, waana fasaxay, iyadoo aan ballan kale dhiganay.

Waan jeclaa inaan saaxiibkay cabaar la sii kaftamo, balse, waxaan ka baqayey inay i dhaafaan Wada-sheekeysiga Koox Odayaal ah oo Falaanqeyn ku hayey Xubnaha ugu culus Hadal-haynta Toddobaadkan.

cafeteria 2

Waxaan jecleystay inaan idiin soo koobo Wada-sheekeysigooda:-

Suudi:-  Kismaayo waa lagu soo kala tegay, Masraxii Siyaasadda waa la isku fahmi waayey. Jilayaashuna biyaha hoostooda ayey iska arkeen.

Sakhaawe:-  Shirkuba waxa uu iskaba ahaa Dhereg Dhacsi Siyaasiyiin isla socota, kalana socota, mid kastana seefta u qarsan tahay.

Guure:- Rajo Fiican ayuu lahaa Shirka Kismaayo, Laakiinse, Siyaasiyiinta waxaa madax martay Kismaayo iyo Kaskaaga.

Caateeye:- 25 sanno kadib, weli Xal-siyaasadeed lama gaarin ee Allow Ummadda Soomaaliyeed u sahal Hoggaamiye Qaran oo Waddani ah.

Suudi:- Siyaasi kasta waxa uu fahamsan yahay in 1 + 1 = 2, balse ma fahamsana inay Maskaxdooda ka shaqeyso khasaaraha ka dhasha Shirarkooda xisaab ahaan loo dhigi karo Danaysi + Xildoon + Danta Beesha = Fowdo iyo Gorgortan fashilma.

Sakhaawe:-  Wallaahi, meel fudud ayaa naga tusisay Xaalladda Siyaasiyiinta ku shiray Kismaayo, waana runtaa sifaha aad iftiimisay, waxaase ku dari lahaa Leexo Siyaasadeed + Danta Khaaska + Danta Beelaha + Isbaaradda Siyaasadda =  Guul la’aan iyo Shirka Looma wada dhama.

Caateeye:- Xisaabtiina haddaan sii raacsado, waxaan dhihi lahaa Siyaasi kasta waxa uu naadiyaa inuu ka shaqeynayo Danta Qaranka iyo Danaha Beelaha Maamul-gobaleedyadda, laakiinse taasi waa Xaalkii Dadka Afmiishaarka ee ku caanka baxay Qawda Maqashii, waxna ha u qabanin.

Suudi:- Xarig-jiid Siyaasadeed waa gacmo daalis, laakiinse Ood-jiidisteeda iyo Qaadisteeda waa isku mid ee ha la ogaada, haddaysan sir kale ku duugnayn taasi.

Sakhaawe:- Siyaasiyiinta waxaa ka qaldan Borotoolka Danaha Qaranka iyo Xilalka, waana dhibaato haddii Jeneral iyo Alifle la wada yiraahdo inta aad tashataan bal Talo keena. Waayo isku darajo iyo Isku Xil ma aha, taasi waxaan uga jeedaa inay Madaxda Qaranka halkii ay iyaga wax ka hoggaamin lahaayeen inay Garnaqsi la galaan Hoggaamiyayaasha Goballadda oo iyagu darajadoodu tahay Guddoomiye dhowr Gobal, kuwaasi oo ay kaga dhegan tahay inay iyaga hayinka u qabtaan Madaxda Qaranka. Waxaan ku talin lahaa Borotokool Dowladnimo ha la eego, illayn Dowladda Federalka maqaar-saar ma aha..

Caateeye: Shirka Kismaayo waxa fashiliyey iyo Is-hagrashadda meesha ay ka jirto waa la dareensan yahay, balse waxaan idin weydiiyey Askartii Kenya xaggee ku dambeeyeen.

Suudi:- Jimcihii waa taad ogayd in lagu jarmaaday oo ay kala haadeen, waxaanse haatan maqlay in la isku bir soofeysanayo.

Sakhaawe: 10-sanno kadib, hadda miyaa mar kale la isku soofeysanaa, Allow naga badbaadi.

Caateeye: AMISOM iyo Alshabaab ilaa 2007-dii ayey dagaalamayeen, welina koox dhulka laguma legdin, waxaan u arkaa inuu xaalku iska yahay Mashruuc Alfa Wa Layla oo kale.

Suudi: Waxaan ku weydiiyey AMISOM iyo Alshabaab yaa tiro badan, yaase Taatiko badan?

Sakhaawe: Waxaan maqlaa in Tiro-koobka AMISOM haatan yahay  Ugandese 6,000, Burundian 5,400, Ethiopian 4,400, Kenyan 3,600, qorshahana waa in la gaarsiiyo 22,000.

Caateeye: Dagaal wareerkiisa ha na gelin ee Allow Siyaasiyiinta Soomaalida ka dhig kuwo u mideysan Danaha Qaranka.

Suudi: Waa Duceysay, Aamiin ayaana leenahay, laakiinse Ogow, oo yeysan kaa hoos bixin Siyaasiyiinta iyagana Muraad kale ayey si kala gaar ah ugu duceystaan.

©Radio Dalsan