Maanta ayaa la filayaa in degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud uu dib ugu laabto hoggaamiyaha Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca balse ku biiray Maamulka Galmudug.
Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa Maalmahaan ku sugnaa Muqdisho kadib heshiiskii uu la galay Madaxda Galmudug,waxaana haatan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb laga dareemayaa soo dhaweynta Sheekh Axmed Shaakir.
Ammaanka magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa loo adkeeyay,waxana madaxa Xukuumadda Cusub ee Galmudug markii uu dib ugu laabto deegaanadiisa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka gobolada dhexe.
Sidoo kale waxaa la filayaa maalmaha soo socda in degmada Dhuusa Mareeb uu tago Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, si loo dhameystiro heshiiskii iyo isku biiritaankii Galmudug iyo Ahlusuna.
Magaalada Dhuusa Mareeb gaar ahaan Xarumaha Maamulka ay ku Shaqeeyaan ayaa waxaa laga taagay Calanka Maamulka Galmudug taas oo muujineysa in ay midoobeen.