Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u mahadceliyey Boqorka Sacuudiga

Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu booqasho rasmi aah ku joogaa dalka Boqortooyadda  Sacuudiga.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Madaxweyne Shariif Xasan  Sheekh Aadan  ahna La-taliyaha Khaaska ee Madaxweynaha Somalia uu maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Naadiga Muslimiinta Caalamka ‘The Muslim World League  (MWL) Dr. Abdullah bin Abdulmohsen Al-Turki.

Labada Mas’uul waxay kulankooda kaga hadleen Xaaladda Guud ee Islaamka, Afrika iyo gaar ahaan xaalladda dalka Somalia.

Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ka mahadceliyey Hawlaha Samafalka ee ay Dowladda Sacuudiga ee uu hoggaamiyo Boqorka, ahna Khaadumka Labada Xaram ee Shariifaynka, Boqor Salmaan Bin C/Casiis Ala-sacuud ugu deeqaan Ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka oo idil.

Dr. Abdullah bin Abdulmohsen Al-Turki. shariif Xasan

Xigasho:- SPA

©  Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor