Shariif Xasan oo tababar u furay Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed

Tababar ku saabsan baarista Danbiyada iyo Xaquuqul insaanka ayaa maanta magaalada Baydhabo looga furay  Askar ka tirsan laamaha Ammaanka ee maamulka K/Galbeed.

Madaxweynaha maamulka KG mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furay tababarkaasi, waxaana goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada .Xildhibaanno iyo waliba Saraakiil ciidan oo ka kala socoday Laamaha Amaanka

Shariif Xasan Sheekh aadan Madaxweynaha maamulka K/galbeed ayaa kula dardaarmey Askartaasi iney ka faa’iideystaan casharada ay ku qaadanayaan tababarkaasi, wuxuuna ku booriyay iney shaqadooda ku dabaqaan.

Dhanka kale Magaalada Baydhabo maanta waxaa lagu qabtay Kulan lagu taagyeerayey golaha wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabey madahaweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka waxaa ka  qeybgaley wasiirro xildhibaanno,  Dhalinyaro, Haween .Gudoomiyaha Maamulka G/Baay . iyo duqa degmada Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeybgaley kulanka ayaa ka hadlay  Maraxadda siyaasadeed ee xiligan ka jirta KG iyo waliba muhiimada ay leedahay.

Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo gabagabadii munaasabadaasi ka hadley ayaa ugamahadceliyey qabanqaabiyaashi kulanka Taagyeerada ah oo ay u muujiyeen wasiirrada cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media