Shaqaaqo ka dhacday Isgoyska Sanca ee magaalladda Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay, 10 kalena Xabsiga ayaa la dhigay, kadib, markii ay dad sheeganaya boos halkaasi ku yaalla iyo Ciiddan ilaalo ah ay isku dhaceen.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay muran la xiriira Milkiyadda boos halkaasi ku yaalla, waxaana isku haysta dad sheeganaya inay muddo 50-sanno Obosiibo ahaan u degganaayeen  iyo Shaqsi kale oo ay Maxkamadda u xukmisay Milkiyadda dhulkaasi.

Kontameeyo qof oo la safan dadka asal ahaan usheeganayo booskaasi ayaana isugu yimid halkaasi, waxayna dhigeeen dibadbax ay ku joojiyeen  Dhismaha Booskaasi.

Ciiddanka ayaa la sheegay inay rasaas nool ku rideen dadkii buuqayey, waxaana la sheegay inuu ugu yaraan hal qof ku dhaawacmay, iyadoo warar aan la xaqiijinin sheegayaan inuu cunug yar ku geeriyooday rasaastaasi.

Odayaasha Dhaqanka ayaa soo farageliyey xiisadda, waxayna Dowladda ugu baaqeen in ay xaliyaan Muranka Milkiyadda dhulkaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor