Gaari ay la socdeen Shaqaalo u shaqeynayay Hay’ad Safamal ayaa qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya qaraxaas oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac .
Gaariga ayaa qaraxu uu qabsaday xili uu marayay inta u dhaxeysa deegaanada Kulan iyo Liboy oo hoostagta Magaalada Gaarisa,waxana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Sadax ruux oo uu mid kamid ah yahay Sarkaal ka tirsan Hay’adda ADESO,oo uu u kiresnaa Gaariga uu qaraxa haleelay.
Shaqalahaan ka tirsan Hay’adda ADESO,ayaa waxaa la sheegay in ay ku soo jeedeen Magaalada dhoobleey ee Soomaaliya,balse intii ay Wadada ku soo jireen uu qaraxa qabsaday.
Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada qaraxaas,waxa ayna sheegeen in ay dileen Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda kenya welina dhankooda kama hadlin Saraakiisha dowaldda Kenya iyo waliba Maamulka Magaalada Gaarisa.