Shaqaalihii Masaarida ee la socday Diyaaradii ku burburtay Carbiska oo la sii daayey, kuna wajahan dalkooda hooyo

Diplomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar iyo Ergada Qunsulliyadda Masar ku leedahay magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay Wada-xaajood dheer la yeesheen Madax ka tirsan Dowladda Federalka, si loo sii daayo Shaqaalihii Diyaaradda Masar ee dhowr maalmood ka hor ku burburtay duleedka Muqdisho.

Shabakadda Wararka Masar ee albawabhnews.com ayaa qortay in 6-dii shaqaalaha Diyaaradaasi shalay dib loogu wareejiyey Baasabooradooda, isla markaana ay ka soo ambabaxeen Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Shaqaalahaasi waxay Transit ku yihiin Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo ee Masar sida lagu shaaciyey Shabakadda albawabhnews.com

Dhinaca kale,  Dowladda Federalka Somalia weli kama hadlin Sii-daynta Shaqaalahaasi, inkastoo Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka Somalia, Mohamed Yussif Osman waxa uu shalay u  sheegay  Radio Dalsan inay Dowladaha Somalia iyo Masar ka wada hadleen Arrinta Shaqaalahaasi, lana sii dayn doono marka la dhamaystiro Baaritaanka socda.

Si kastaba ha ahaatee, Baarayaal Caalami ah ayaa  ayaa waxay dib u eegayaan Macluumaadka ku duuban  Sanduuqa Madow ee Diyaaradda Masar ee ku burburtay duleedka magaalladda Muqdisho, si ay u darsaan cilladaha keenay Burburka Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Airbus 300 oo ay lahayd Shirkadaha Diyaaradaha ee Tri Star ee dalka Masar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor