Shaqaalihii dhisayey derbiga dherersan xuduudka Kenya iyo Somalia oo shaqooyinkii joojiyey

In ka badan 20-shaqaale ka tirsan Ururka Adeegga Dhallinyarada Qaranka (NYS) ayaa si wadajir u shaaciyey inay joojinayaan shaqada ilaa laga siinayo Mushaarkooda.

Shaqaalahaasi oo isugu jira Farsama-yaqaano, Dareewaladda Gaadiidka Iska-rogaha iyo kuwa  Wiishashka ayaa ku eedeeyey Dowladda Kenya inaysan wax mushaar ah siinin tan iyo bishii Maarso oo la bilaabay Dhismaha Derbigaasi loogu talagalay inlooga hortago Duullaanka Alshabaab kaga so ogudbaan xuduudka.

Ismail Abdi oo ka mid ah shaqaalaha ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inay ku sugan yihiin xallad adag oo aysan haysanin Mushaar, isla markaana ay qoysaskooda sugayaan.

Waxa uu ku eedeeyey Xiriiriyaha Mashruuca inuu shaqaalaha ugu hanjabay inuu cayrin doono haddii ay wax mushaar ah weydiiyaan.

Gidaarka weyn oo ay shaqaalihii dhisayey ka cabanayaan Mushaar la’aanta ayaa waxa uu dhererkiisu dhan yahay 800-KM, kaasi oo ka bilaabanayo Mandhera ilaa Degmadda Kiunga ee Gobalka Laamu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor