Shaqaale Somaliland oo tababar dhinaca Kontoroolka Hawada ku soo qaatay dalka Ethiopia.

Wasiirka Duullimaadka iyo Gaadiidka Cirka ee Maamulka Somaliland, Osman Abdullahi Saxardiid “Caddaani” waxa uu shalay magaalladda Hargeysa ku qaabilay 13 Shaqaale ka tirsan Wasaaradaasi oo muddo hal sanno ah Tababar dhinaca Kontoroolka Hawada, Hagida Diyaaraddaha iyo Saadaasha Hawada ku soo qaatay dalka Ethiopia.

SOMALILANDShaqaalahaasi oo ah Dufcaddii Koowaad ee Tababaro ku soo qaadata dalka Ethiopia ayaa la filayaa inay Hawsha kala wareegaan Khubarada iyo Farsama-yaqaaanadda aan u dhalanin Somaliland ee haatan ka hawlgala Garoomadda  Diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera.

Khubaro ka kala socda Hay’addaha ICAO iyo CACAS ayaa ka hawlgeli jirey Somaliland tan iyo burburkii Dowladnimo ee Somalia oo ay Maamulkaasi ku dhawaaqeen inay ka go’een Somalia, inkastoo uu Maamulkaasi weli helin Ictiraaf Caalami ah.

© Radio Dalsan              

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor