Shaqaale Shisheeye ah oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Garowe

Ugu yaraan lix shaqaale ka tirsan QM ayaa ka mid ahaa dad ku geeriyooday qarax saakayto ka dhacay magaalladda Garowe.

Saraakiisha Ammaanka ayaa u xaqiijiyey Dalsan Radio in qarax xooggan lala beegsaday gaari Bas ah oo ay la socdeen Shaqaalaha QM ee ka hawlgala Puntland.

Qaraxaasi ayaa la hadal-hayaa inuu ahaa miino lagu rakibay Baska ay QM leedahay, inkastoo warar kalena sheegayaan in uu qaraxu ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso.

Baska lala beegsaday qaraxaasi ayaa xilligaasi waday shaqaale ka tirsan QM oo ku sii jeeday Dhismaha QM ka deggan tahay magaalladda Garowe.

Dhinaca kale,  Labo shaqaale oo la sheegay inay Kenyaati ahaayeen kana mid ahaa shaqaalaha QM ayaa ku geeriyooday Qaraxaasi.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor