Shaqaale laga cayriyey Warbaahin Caalami ah iyo sababta keentay

Telefishinka CNN-ka ayaa la sheegay inay 3 shaqaale cayriyeen, kadib, markii ay soo shaqo tageen iyagoo aan iska soo tallaalin Xanuunka COVID 19.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin Shaqooyinkii ay hayeen Shaqaalaha loo cayriyey sababo la xiriirta Tallaal la’aanta COVID 19.

Shaqaalahaasi oo ganaax ahaan loo cayriyey waxaa la filayey inay dib ugu soo laabtaan Xafiisyada CNN-ka  bisha soo socota ee September 7-da, balse warar kale ayaa sheegay inaysan soo shaqo tegi Karin ilaa laga gaarayo bartamaha bisha October.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor