Shaqaale ku dhintay Guri ay dhisayeen M/Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 2 ruux ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku soo dumay Guri ay dhisayeen Magalada Baladweyne.

Shaqaalaha ayaa xiliga uu ku dumayay waxa ay wadeen Dhisamah guriga oo Dabaq ah kaas oo laga dhisayo qeybo ka mid ah Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne sida ay Dalsan u sheegeen dad ku sugan Baladweyne.

Sidoo kale Shaqaalaha qaarkood ayaa iyana waxa ay sheegeen in aysan xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay dhismahaas marka laga reebo ilaa 2 ka mid ah Shaqaalaha oo meydkooda banaanka loo soo saaray.

Masuuliyiinta Maamulka Baladweyne iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku mashquulsan sidii loo soo sari lahaa Shaqaale kale oo la tuhunsan yahay in ay weli ku sii jiraan dhismaah hoostiisa.

Sikastaba dhismaha uu Shaqaalaahaas ku soo dumay ayaa ku soo aadaya xili dhawaan sidoo kale ay ku dhinteyn ilaa Saddex Shaqaale ah Guri ay dhisayeen oo ku yaalla km4 ee Magalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media