Shaqaale ka xoogsada Maraykanka oo shaqada looga cayriyey Fasaxa Tukashada Salaadaha

53 Shaqaale Somali oo u shaqeeysa Shirkadda Ariens Company ee ku taalla Gobalka Wisconsin ayaa dhigay Dibadbax ay kaga cabanayaan Sharci ay Madaxda Shirkadda ku xadideen fasaxa Xilliyadda ay Shaqaalaha Muslimiinta soo tukanayaan.

Dibadbaxaasi ayaa waxa ka carooday Madaxda Shirkadda, taasi oo keentay in 7 ka mid ah Shaqaalaha shaqada laga cayriyo, halka 14 kalena iyaga go’aansadeen inay isaga tagaan Shaqadaasi.

Afhayeenadda Shirkadda Ariens Company, Ann Stilp ayaa xaqiijiyey inay 21 Shaqaale oo Soomaali ah ka tageen Shirkadda, waxayna intaasi ku dartay in 32 kale  go’aansadeen inay sii joogaan Shaqada, iyagoo raacaya Siyaasadda Cusub ee Shirkadda ee Xilliyadda la tukado Salaaddaha.

Waxay sheegtay inay Shaqaalaha tukan karaan marka la gaaro Xilliga la qadeynayo oo keliya.

Ibraahim Maxamed oo horey uga tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Ariens Company ayaa ku eedeeyey Maamulka Shirkadaasi inay Shaqaalaha u sheegeen inay tukadaan Xilliga loo fasaxo inay soo qadeeyo, iyadoo Shaqaalihii ka hadlay arrintaasi la siiyey Warqadda looga cayrinayo Shaqada.

Dhinaca kale, Dadka Muslimiinta Deegaanka iyo Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka ayaa ka codsaday Madaxad Shirkadaasi inay dhowraan Xuquuqda Diimaha iyo Cibaadaysiga iyo inay Shaqaalaha siiyaan fasax dheeraad ah, si ay u soo oogaan Tukashada Salaadda.

Iimaamka Masjidka Green Bay, Iimaan Xasan Cabsi ayaa u sheegay Telefishinka WBAY TV in Siyaasadda cusub ee Shirkadda Ariens ka dhigayo mid aan Shaqaalaha u suurtogelin karin inay Tukadaan.

Bilihii la soo dhaafay, Muranka Shirkadaha Maraykanka iyo Dadka Muslimiinta ayaa cirka isku shareeray, kadib, markii ay Madaxda Shirkadaha xadideen Xilliyadda Shaqaalaha Muslimiinta loo fasaxayo inay Tukadaan.

ARIENS FIRED MUSLIM WORKERS3 ARIENS FIRED MUSLIM WORKERS 5 ARIENS FIRED MUSLIM WORKERS 4

ARIENS FIRED MUSLIM WORKERS 2

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor