Shaqaale ka tirsan Waaxda Nadaafada Gobolka Banaadir oo la weeraray

War qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook Agaasimaha Waaxda Nadaafada Gobolka Banaadir Cabdi Casiis goodax Bare ayaa waxa uu ku sheegay in Maanta la weeraray Shaqaalo ka tirsan Waaxdaas xili ay ku jireen Shaqadooda.

Waxa uu sheegay in weerarkaas uu ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidamada dowladda kadib markii dhowr xabadood uu ku soo riday Shaqaalaha balse uusan waxba gaarsiin Shaqaalihii islamarkaana gacanta lagu dhigay.

Waxa uu u mahadceliyay taliyaha Booliiska degmada Kaaraan iyo taliyaha NISA ee degmada yaaqshiid,kuwaas oo ka qeyb qaatay amnigooda iyo in la soo qabtay Askarigii falkaas ku kacay.

Hoos Ka Akhriso War Qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Waxaan familka iyo asxaabtaba u sheegayaa inaysan waxba nagaarin aana caafimaad qabno, askarigii xabadaha kusoo riday shaqaalahana ilaah naga wada badbaadiyey Waxaa. Gudoomiyayaasha Karaan, Shibis iyo Yaaqshiid iyaga ku xigeenadoodaba iyo xoghayayaashooda aad ayaan uga mahadcelinaynaa waxaa ayna natuseen inaan haldoon wada saaranahay oo midba midka kale gurmadkiisa u baahan yahay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Taliyayaasha BOL Karaan iyo Taliyaha NISA ee Degmada Yaaqshiid. Asakarigii xabadaha nagu soo riday hayadaha amniga ayaa gacanta ku dhigay waa ilaah mahadiis. Talo waxaan kusoo jeedinayaa in tababaro la xiriira waajibaadka askariga iyo xuquuqihiisa lasiiyo si aysan waxyaabahan oo kale aysan u dhicin aqoontaasna waa lahayaa diyaar ayaana loola yahay iyada oo aan wax shuruud ah ku xirneen. Mahadsanidiin intii isoo wacday inta kale ee maqashana xaalku waa sidaas (SAWIRKA WAA IYADA OO SHAQADII LAGU JIRO XILIGAN WAXYAR KADIB AYEY XABADUHU DHACEEN)

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media