Shanta Haween ee ugu awoodda badan Caalamka

Haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel ayaa kaalinta 1-aad ugu jirta Liiska Wargeyska  caanka ee (Forbes Magazine) ee qiimeynta Haweenka ugu awoodda badan Calaamka.

Angel Merkel waxay sannadkii shanaad hoggaaminaysaa Liiska, inkastoo ay Hillary Clinton ku  daba rucleynayso, kuna dhegan tahay.

Bill Clinton oo bishii April shaacisay inay  mar labaad u tartamayso Xilka Madaxweynaha waxay sannadkii hore Kaalintii Lixaad kaga jirtay Liiska Haweenka ugu awooda badan Calaamka.

Laakiinse, markii ay noqotay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, waxay sannadihii 2011 iyo 2012 noqotay qofka 2-aad  ee ku xiga Angela Merkel.

Forbes Magazine ayaa shalay (Talaado) soo daabacy Qiimeynta, waxaa Angela Merkel iyo Hillary Clinton ku soo xiga oo kaalinta 3-aad ku jirta Melinda Gates oo ah La-guddoomiyaha Bill and Melinda Gates Foundation iyo Ninkeeda Bilyaneerka ah.

Kaalinta 4-aad  iyo 5-aad waxaa ku kala jita Madaxa Hanti-dhowraha Federalka Maraykanka, Janet Yellen iyo Mary Barra oo Agaasime-fuliye ka ah Shirkadda gaadiidka farsameyso ee General Motors.

Kaalinta 6-aad ee qiimeynta waxaa ku jirta Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF),  Christine Lagarde.

Kaalinta 7-aad waxaa ku jirta Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Brazil, Dilma Rousseff.

Kaalinta 8-aad waxaa ku jirta Madaxa Shirkadda Facebook, Sheryl Sandberg.

Kaalinta 9-aad Susan Wojcicki oo ah Agaasimaha Fulinta ee YouTube.

Kaalinta 10-aad waxaa ku jirta Michelle Obama oo ah Xaaska Madaxweynaha Maraykanka.

Xigasho: Forbes Magazine,

Waxa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

ANGELA MERKEL hillary

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor