Shacabka reer Jabuuti oo u dareeray goobaha Cod bixinta

Ku dhawaad 118 kun oo reer Jabuuti ah ayaa la filayaa in Maanta ay cododkooda ka dhiibtan doorashada madaxtinimada Jabuuti.

Doorashadan waxa ku tartamaya ilaa iyo 6 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha imminka talada haya Ismaciil Cumar Geelle oo u cararaya markiisa 4aad.

Madaxweyne Geelle ayaa aad loogu rajo weyn yahay inuu markale ku guleysan doono doorashada.

Madaxweynaha ayaa xilkan kala wareegay sanadkii 1999kii Xasan Guuled Abtidoon oo ay qaraabo dhaw yihiin Ismaciil Cumar Geele.

Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti markii ay xurnimada qaaten sanadkii 1977kii.

Labada Musharax ee ugu cad cad ee tartanka ku haya Madaxweyne Geele ayaa kala ah Maxamed Da’uud iyo Cumar Cilmi Kheyre.

Geele ayaa ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay 2011kii isaga oo helay 80 boqolkiiba cododkii la dhiibtay.

Jabuuti ayaa ah Dal muhiim u ah Dalalka reer galbeedka waxaana imminka saldhigyo militari ku leh Dalalka Mareykanka,Shiinaha iyo Faransiiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor