Shacabka Kenya oo Cabsi Soo Wajahday iyada oo qaarkood ay tuulooyinka ka cararayaan

Xaalad cakiranaan ah ayaa xiligaan laga dareemayaa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya halkaas oo Bilihii la soo dhaafay weeraro joogta ah ay ka geysanayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Dadka ku nool Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa soo wajahay cabsi aad u xoogagn,iyada oo qaarkood bilaabay in ay tuulooyinka ka barakacaan islamarkaana ay aadaan Goobo kale oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Kenya ayaa la dhoobay tuulooyin badan oo ka tirsan gudaha dalkaas,waxana xusid mudan in dhulka keynta ah ee ku yaalla Magaalada Lamu ay tahay halka iminka ugu daran.

Maalin ka hor ayaa la sheegay in rag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay Qoorta ka jareen ilaa 9 ruux oo keenyaan ah,taas oo sii xoojisay Cabsida ay qabaan Bulshada reer Kenya.

Saraakiisha ugu saeysa Ciidamada Kenya ayaa dhawaaan waxa ay bandow aan waqtigiisa la shaacin ku rogeen dhowr Magaalo oo ka tirsan Gudaha dalkaasi kenya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media