Shacab Careysan oo boobay Goobo Ganacsi oo ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed

Goobahaan Ganacsi oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa xalay Boob u geestay Shacab careysan oo u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Arrintaan ayaa loo sababaeeyay in ka hor boobka uu xoogaa muran dhexmaray qaar ka mid ah Shacab Koonfur Afrikaan ah iyo mid ka kid ah Ganacsatada Soomaliyed kaas oo ugu dambeyn isku bedelay boobka Gnacsatada Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dhacddaan ay ka dhacday Xaafada lagu Magacabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Koonfru Afrika ayaa Goobta gaaray kuwaas oo ugu dambeyn xal ka gaaray murankii sababay boobka ee u dhaxeeyay Shacab ka tirsan Koonfur Afrika iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan dhibatooyinka loogu geesto Muwaadininta Sooamaliyeed, iyad aoo horay loogu geestay dilal dhac iyo waliba afduub

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media