Shabakadda Warbaahinta Kooxda Daacish ee ISDARAT oo hawada laga saaray.

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in  hawada laga saaray Shabakadda Daacish ee lagu magacaabo ISDARAT, taasi oo ay Kooxda Daacish ku baahin jireen Wararka la xiriira Hawlgalladda Daacish.

Koox Burcadda Internetka oo lagu magacaabo Ghost Security ayaa sheegatay mas’uuliyadda hawada looga saaray Shabakadda Wararka ee ISDARAT, iyadoo aan la ogeyn Tallaabadda xigta ee ay Daacish kaga fal-celin doonto arrinkaasi.

Dhinaca kale, Macaamiisha Twitterka ayaa waxay qaarkooda is-weydiinayaan haddii ay jiraan Link cusub oo laga geli karo Shabakadda ISDARAT.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor