Shabaab oo Shixnadaha Dhuxusha ka dhoofiya Dekadaha Soomaaliya ay ka maamulaan Kenya

Warbixin cusub oo ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Xayiraadda Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ee (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku fashilmeen inay xoojiyaan Go’aanka QM ee lagu mamnuucay in Dekedaha Somalia laga dhoofiyo Shixnadaha Dhuxusha ee loo iib-geeyo dalal ku yaalla Khaliijka Carbeed.

Guddiga QM waxay kaloo sheegeen inaysan Ciiddanka Kenya ee ku sugan Dekedaha Kismaayo iyo Buur-gaabo ee Gobalka J/hoose ka taageerin Maamulayaasha Soomaalida sidii loo dhaqan geli lahaa amarkii Kooxda Kormeerayaasha QM ee la joojiyey Dekedaha Somalia ee laga dhoofiyo Shixnadaha Dhuxusha.

Warbixinta Kooxda Baarayasha Cunaqabatanta Hubka ee Somalia waxay sheegeen inay Alshabaab weli galaangal u leeyihiin inay Hawlgalo ka fuliyaan Deegaanada ay Ciiddanka Kenya ka joogaan Jubbooyinka, waxayna tusaale u soo qaateen Weerarkii ay Alshabaab bishii Janaayo ku qaadeen Saldhigii Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/hoose oo lagu dilay ugu yaraan 67-Askari oo Kenyan ah.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in debecsanaanta liidata ee lagu xaqiijin lahaa Xayiraaddii QM ee Dhoofinta Dhuxusha Somalia u oggolaatay Maalgelinta Alshabaab iyo awood-darri ku timaada dadaalkii La-dagaalanka Alshabaab, waa sida lagu qoray Warbixinta Kormeerayaasha QM.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Kooxda Kormeerka QM ee (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) soo saaraan Warbixino ay ku sheegaan inay Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab saami ka helaan Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedaha Kismaayo iyo Buur Gaabo.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey Qiimeyn ay Guddiga QM ku sameeyeen Kharajka ka soo xerooda Dhoofinta Dhuxusha, waxayna sheegteen inay Alshabaab ka helaan ugu yaraan 10 million oo Dollar sannadkiiba Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedaha ay joogaan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM,, waa sida lagu xusay Warbixinta QM.

Warbixintii ay soo saareen sannadkii hore waxay ku sheegeen inay Ciiddanka Kenya 3 Dollar ka helaan Loorkii Shixnadaha Dhuxusha ee laga dhoofinayo Dekedaha ku yaalla Koonfurta Somalia.

Kharajkii Guud ay Ciiddanka Kenya sannadkii hore ka heleen Dhoofinta Dhuxusha waxay gaaraysaa 12 million oo Dollar, sida lagu xusay Warbixinta Guddiga QM soo saareen sannadkii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media