Wararka naga soo gaaraya duleedka deegaanka Galgala ee Gobolka Bari Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidamada Puntland qarax loo dhigay.
Gaarigaan ayaa lagu soo waramayaa in ay haleeshay miinada nooca dhulka lagu aase ee meelaha fogfog laga hago sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.
In kastoo an weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,ayaa hadana Al-Shabaab waxa ay sheegteen in ay ku dileen taliyihii howlgallada Ciidamada BIS-ta Puntland oo ay magaciisa ku sheegeen Galayr Xasan Yuusuf.
Sidoo kale Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ka mid ah Ciidamada Puntland.
Weli Saraakiisha ciidamada Puntlnd kama hadlin warka ka soo baxay Shabaab ee ku aadan in ay dileen taliyihii howlgallada Ciidamada BIS-ta Puntland