Senator Faroole oo Baarlamaanka ugu baaqay in ay ansixiyaan Xukuumada Cusub

Senator C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo kamid ah xubnaha aqalka sare ayaa Kahadlay khilaafka siyaasadeed ee iminka soo kala dhexgalay xukuumada cusub iyo Baarlamaanka Federaalka,kaa oo salka ku haya saami-qeybsiga golaha wasiirada cusub.

Senaror Faroole oo kusugna Dalka Australia ayaa suxufiyiinta u sheegay in uu ka xunyahay Khilaafka soo kala dhexgalay Baarlamaanka  iyo xukuumada cusub,waxaana uu ku baaqay in mudanaayasha ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Isaga oo soo hadal qaaday nidaamka awood qeybsiga,waxa uu sheegay in kal hore uu isaga so jeediyay in ndaamkaa laga gudbo loogan gudbo hanaan deegaan,balse aysan dowladii hore fulin arimahaasi.

Halkan ka dhageyso Senator Faroole:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media