Senator Billow Keerow oo si kulul u naqdiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Senator Billow Keerow oo ka tirsan Aqalka Senedka Kenya iyo 3 Xildhibaan oo la socotay ayaa la sii daayey, kadib, markii ay muddo dhowr saacadood ah  ku sugnaayeen Xarunta Dhexe ee Boliska Dembi-baarista Kenya (CID)-da ku leeyihiin magaalladda Nairobi.

Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay inay Madaxda CID-da xayireen si wax looga weydiiyo warar ay horey u sheegeen oo ku saabsanaa in Mandera laga helay Qabuur-wadareed dad badan lagu aasay.

Mandera Senator Billow Kerrow22222Senator Billow Keerow oo Suxufiyiinta la hadlay markii laga soo daayey Xarunta CID-da ayaa sheegay in laga qoray hadalo ku aadan wararkiisa la xiriiray Qabuur-wadareedka laga helay Mandera.

Waxa uu mar kale raalli-gelin ka bixiyey hadalkaasi, wuxuuna u sheegay Reer Kenya inuu ka xun yahay warkaasi.

Dhinaca kale, Billow Keerow waxa uu si kulul u naqdiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, John Nkaissery, oo uu ku tilmaamay Nin aan la jaan-qaadi karin Siyaasadda Kenya, isla markaana uu xoog-muujin u adeegsanayo Xilkiisa.

Joseph NkaisserryWasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa horey ugu baaqay inuu Senator Billow Keerow iyo Xildhibaanadda kale raalli-gelin ka bixiyaan hadalkooda ku aadanaa Qabuur-wadareedka laga helay duleedka Mandera.

Wuxuuna si aan leeleexad lahayn ugu hanjabay inuu Tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaadayo Seantor Billow Keerow iyo Xildhibaanadda kale ee ka hadashay Qabuur-wadareedyadda laga helay Mandera.

Si kastaba ha ahaatee, Awood-muujinta Wasiirkaasi ayaa waxay horseedi karta inay Barlamaanka Kenya mooshin ka gudbiyaan, waayo Qaladka Siyaasadeed ee uu haatan ku kacay, gaar ahaan waxa uusan awood u lahayn inuu ku amro Xildhibaanadda Reer W/bari Kenya inay raalli-gelin bixiyaan.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor