Saynisyahankii hubka Nukliyeerka ee Pakistan oo geeriyooday

Allaha u Naxariisto Dr. Cabdulqaadir Khan oo ahaa Sameeyihii Hubka Nukliyeerka ee Pakistan ayaa saakayto oo Axad ah ku geeriyooday caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Saynisyahanka oo 85 jir ahaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun kaga dhacay Sambabada.

Telefishinka Qaranka Pakistan ee PTV ayaa saakayto sheegay inuu Saynisyahanka Nukliyeerka Pakistan uu geeriyooday,  xilli loo wareejiyey Isbitaal kale sababo la xiriira dhibaayooyonka dhanka Sambabada (Lung problems).

RW Pakistan,  Imran Khan waxa uu sheegay inay Dr. C/qaadir Khan aad loo jeclas, maadaama uu door muhiim ah ka qaatay sidii uu dalka Pakistan u noqon lahaa dal haysta Hubka Nukliyeerka iyo isagoo noqday Halyeey Qaran oo Tusaale muhiim u ah dadka iyo dalka.

Saynisyahanka farsameeyey Nukliyeerka Pakistan waxaa lagu aasi doonaa Masjidka Jaamaca ee Faysal Mosque oo ku yaalla magaalladda Islamabad, sida uu horey ugu dardaarmay Marxuumka.

Warar ayaa sheegayo in Marxuumka laga daaweeyey Xanuunka COVID-19, kana soo bogsaday.

W/Q: Ustaad Nuradin

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor