Saxafiyiinta Idaacadda Shabeelle oo Maanta La Soo Taagayo Maxkamada Gobolka Banadir

Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa Maanta lagu wadaa iney dhageysato Dacwada Saxafiyiinta Idaacadda Shabeelle iyo Idaacadda Mataanta la ah ee SKY FM.

Waxa ku jira Dadka Maanta la dhageysan doono Dacwadooda Milkiilaha Idaacadahasi C/Maalik Yuusuf Maxamuud.

Saxafiyiinta oo loo heysto Kicin Bulsho waxa ku jira Agaasimaha Idaacadda SKY FM Maxamuud Maxamed Daahir(Carab),Tifaftiraha Shabeelle Maxamed Bashiir Xaashi iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan.

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Maxamed Muuse oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan ayaa rajo fiican ka muujiyay Natiijadda ka soo bixi karta Dhageysiga Dacwada Saxafiyiinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u xirtay Idaacadaha Shabeelle iyo Sky kadib markii lagu eedeyay iney faafiyeen Warar been abuur ah oo kiciyay Bulshadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor