Saxafi lala afduubtay Suxufiyiintii shisheeyaha oo soo dhaweeyey falkii lagu xiray mid ka mid ah Afduubayaashii

Sawir-qaade hore, C/fataax Maxamed Cilmi Dheere oo ay isaga iyo labo Suxufi oo u kala dhalatay dalalka Canada iyo Australia ayaa soo dhaweeyey tallaabadii ay Boliska Canada ku soo qabteen Ali Omar Adeer oo ka mid ah kooxihii afduubatay.

C/fataax M.Cilmi Dheere oo haatan ah Madaxa Xafiiska Telefishinka Horn Cable ee magaalladda Nairobi, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xarigaasi.

Isagoo la hadlayey Idaacadda Dalsan waxa uu sheegay inuu baar aqoonsaday Eedeysanaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ku markhaati-furo.

“Waxa uu ahaa nin aad inoo silciyey aniga iyo labada saxafi, wuxuuna nagu hayey caburin iyo inuu waqti kooban noo qaban jirey xilliga loo baahdo suulliga” ayuu yiri C/fataax.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Eedeysane Ali Omar Adeer oo lagu naanayso Aadan yahay nin aad u arxan darnaa, isla markaan uu aad uga cabanayo qaabkii uu ula dhaqamay.

Eedetsanaha, Ali Omar Adeer oo 37 jir ah waxa uu haatan ku xiran yahay Xabsi ku yaalla caasimadda dalka Canada ee Ottawa, waxaana loo haystaa doorkii uu ku lahaa afduubkii Suxufiyadda Reer Canada, Amanda Lindhout,   Saxafiga Australian-ka, Nigel Brennan.

Afduubkaasi ayaa waxa u uka dhacay duleedka magaalladda Muqdisho, xilli uu Suxufiyiintaasi wehlinayey C/fataax M.Cilmi Dheere, oo xilligaasi Sawir-qaade ahaa.

Afduubayaasha waxy C/fataax M.Cilmi iska sii daayeen markii ay dhowr toddobaad hayeen, waxayna la hareen Suxufiyiintii caddaanka ahaa.

Afduubkaasi oo dhacay sannadkii 2009-kii, ayaa waxay Ananda Lindhout iyo Nigel Brennan la sii daayey markii la bixiyey madax-gurasho lacageed sannadkii 2009-kii.

Suxufiyiintaasi ayaa la sheegay in muddo 15 bilood afduub ahaan loo hayey.

Saxafiyadda Ananda Lindhout, markii la sii daayey waxay sheegtay kooxihii afduubtay inay kula kaceen tacadiyo badan, isla markaana ay lugaha ka jeebadeeyeen.

Inkastoo ay Saxafiyadaasi sheegtay inay cafisay kuwii afduubtay, haddana ma kala cadda inay dacwo  khaas ah ku soo oogi doono Eedeysanaha haatan xiran oo la rumeysan yahay inuu ahaa Dhexdhexaadiyihii u kala dab-qadaayey Afduubayaasha iyo Familka Labada Saxafi.

Si kastaba ha ahaatee, Eedeysane Ali Omar Adeer ayaa la filayaa in mar kale Jimcaga la soo taago Maxkamadda magaalladda Ottawa, si uu u wajaho dacwadaha loo haysto.

Qareenka u doodaya, ayaa horey u sheegay inuusan faahfaahin badan ka haynin Kiiska Eedeysanaha, wuxuuna Saxaafadda u sheegay inuu raadin doono xog badan, ka hor intaysan Maxkmaadda hor tegin.

omar ali

Amanda Lindhou

nigel1111

Abdifatax M. Elmi

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor