Sawirro:Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeybgalay Casho Sharaf loo sameeyay Madaxda Dowlad goboleedyada

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casho sharaf u sameeyey madaxda dawlad gobolleedyada dalka. Waxana sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Yarisow ayaa soo dhaweyn kaddib, ka waramay shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay amniga iyo Khayraadka dalka oo markii ugu horeysay uu ka qeyb galay, waxuuna madaxda qaranka uga mahadceliyey kaalinta fir-fircoon ee ay siinayaan mar walba bulshada Benaadir, isagoo xusay sida ay ugu heellan yihiin dadka Gobolka Benaadir dhismaha Dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne-yaasha Maamul Gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa mahadcelin kadib, isla qiray in Muqdisho ay tahay astaan Qaranka, iyadoo taas laga duulayana maamulka iyo shacabka oo wadajira laga doonayo sidii mar kale loo soo celin lahaa sumcaddii iyo wanaaggii ay caanka ku ahayd Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre oo xiritaanka cashada ka hadlay ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii rajada iyo soo celinta dawladnimada, isla markaana ay xaqiijin doonaan wax walba oo lagu gaari karo rajadaas

Kulanka cashada ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Fannaaniin ay kamid yihiin Faadumo Cali Nakruumo iyo Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, waxayna goobta ku soo bandhigeen heeso iyo gabayo ka turjumaya muhiimadda uu dalka u leeyahay wadajirka iyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media