“Sawirro”Kooxda Basketball-ka ee MUQDISHO CITY oo caawa ka adkaatay kooxda MOMBASA CITY Tartanka Magaalooyinka Bariga Afrika.

Kooxda basketball-ka ee MUQDISHO CITY ayaa caawa 83-62 ku garaacday kooxda MOMBASA CITY tartanka magaalooyinka bariga Afrika.
Kulanka labaad waxey la ciyaari doonaan kooxda Jubba City ee South Sudan habeen dambe, haddii ay badiyaan Semi Final ayay u gudbi doonaan.
Magaalooyinka Nairobi, Kampala, Mombasa, Daarasalaam iyo Jubba ayaa ku wehliya Muqdisho tartankan.
Soomaalida Nairobi ayaa caawa garoonka soo buuxiyay oo qeyb weyn ka qaatay guusha.