Sawirro:-Xukuumadda Soomaaliya oo mashaariic ka fulineysa deegaanada Galmudug

Wafdigan uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeeynka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya  Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa waxaa  garoonka Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug

Wasiirka waxa sidoo kale ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda  arrimaha Gudaha ee Galmudug, iyadoo ujeedka safarka uu ahaa mid Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ka fulineyso mashaariic horumarineed oo ah dhismaha xarumo degmo iyo waliba tababaro la xiriira canshuuraha .

Hoolka nasiinada garoonka  waxa si wadajir ah Warbaahinta  kula hadlay  Cali Xaaji Ibraahim oo ah sargaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Maxamad Xayir Nuur ayagoo tilmaamay in mashruucyada horumarined laga fulin doono deegaanno badan oo ku yaalla Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiir ku-xigeeynka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in safarkooda uu yahay mid ku wajahan degaano ka tirsan Galmudug oo ay ka dhagax dhigi doonan mashruucyo horumarineed oo ay dowladda fulineyso.

Mashaaricdaan horumarineed ee Galmudug laga fulinayo ayaa waxa ay qeybtahay fulinta qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliya  oo gobolo badan laga fuliyay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Wafdiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media