Sawirro:-Xildhibaano & Wasiiro Nairobi kula Shiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya…

Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Maanta gaaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha Soo dhaweeyay ayaa isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salad, Xildhibaan CabduqaadirCosoble Cali, Xildhibaan Abshir Bukhaari ahna Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo sidoo kale Wasiirkoo hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu maalmaha soo socda gaari doono dalka Jabuuti halkaas oo uu uga qeybgeli doono shir ka dhacaya.

Waxaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Nairobi uu la kulmi doonaa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ku sugan Kenya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka yimid dalka Tanzania halkaas oo ay degan yihiin isaga iyo Qoyskiisa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media