Sawirro:-Xildhibaanadii iyo Ciidankii ku dhintay Weerarkii Balcad oo la’aasay

Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle lagu Aasay Xildhibaanadii hir-Shabeelle iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle ee shalay weerarka lagu dilay.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle,Xildhibaano,Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Ehelada Marxuumiinta.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Aaska ka qeyb galay,iyaga oo dhammaan Alle uga baryey masuuliyiintaas in uu Janada ka Waraabiyo.

Mas’uuliyiintii halkaasi lagu aasay ayaa kala ahaa  Xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Xildhibaan  Sheekh Cabdi Mukhtaar, oo Hirshabeelle ka tirsanaa iyo Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne.

Xildhibaanada iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle ayaa waxa ay ku geeriyoodeen weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shalay gelinkii dambe xilli ay marayeen deegaanka ilbiq oo u dhaxeeya Balcad iyo Qalimoow ee G/Shabeellaha dhexe.

Goordhow la socda Codadka masuuliyiinta ka qeyb gashay Aaska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media