Sawirro:-Xiisad dagaal oo saakay ka taagan deegaanka Tukaraq

Xiisadaas ayaa waxa ay u dhaxeeysaa Ciidamada Maamulka soomaaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq iyo kuwa Puntland oo iyana ku sugan meel aan ka fogeyn deegaankaas.

Wararka saakay naga soo gaaraya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada labada dhinac ay Maanta wadaan dhaq dhaqaaq ciidan,iyada oo laga cabsi qabo in ay wada dagaalamaan.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ay dareemayaan cabsi ku aadan dagaal in uu halkaasi ka dhaco,waxaana deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool gacanta ku haya Ciidamada Maamulka Soomaaliland.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani,ayaa Maalin kahor waxa uu ciidamada Soomaaliland ee ku sugnaa deegaanka Tukaraq u qaaday deegaanka Ceel-afweyn halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed.

In kastoo haatan deegaanka Tukaraq uusan ka jirin wax dagaal ah ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan taas oo sababi karta in ay wada dagaalamaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media