Sawirro:-Xarumo Garsoor oo laga hirgeliyey M/Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaaladda Kismaayo ayaa xariga ka jaray xarumaha Maxkamadaha  iyo Xeer ilaalinta Jubbaland oo ka  kooban Maxkamada sare,Tan Gobalka.Racfaanka,Xafiiska Xeer ilaalinta waxaana hergaliyay Mashuurca gaarka ee Horumarinta Gobaladda Sff ee hoos yimaada Wasaaradda Maaliyaadda Dowladda Soomaaliya.

Cali Xaaji Aadan oo ah maaareyaha Mashuuca SFF ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa tilmaamo ka baxinayo qaabka uu ku guuleystay mashruucan iyo qeybaha uu ka kooban yahay

“Waxaa Mashruucan  wax weyn u yahay Maamulka Jubbland,sida uu sheegay Walalkeey Cabdishakuur Wuxuu ka kooban Maxakamada Gobalka, Racfaanka Xeer ilaalinta, iyo Mida sare,qoalal gaaraya afar oo loogu talagay shirarka  iyo dadka dacwooyinka lagu soo oogay, waxaan sidoo kale dhisnay goobaha ay ku shaqeyn lahaayeen Shaqaalaha maxkamaddaha, waxaan u mahadcelinayaa Qaramadda Midowbay oo dhismahan hirgalintiisa qeybtan iyo dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya  ayuu yari Cali Xaaji”.

Wasiir Ku_xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Dowladd Gobaleedka jubbaland ayaa sheegay in Bahda Garsoorka ahmiyad weyn uga fadhiso hirgelinta xaruntani,isagoo ku booriayay in ay bulshada ugu faa’ideeyaan xarumaha ayna ku qabtaan adeegyada muhiimka ah.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi sheekh Cali(Qaloocow)  oo xarigga ka jaray dhismahan oo ku baxaday qaraashad aad u fara badan ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leeyihiin hirgelinta xarumaha garsoorka shacabka reer Jubbaland.

“Aniga ahmiyad  weyn ayey u leedahay  maamulka Jubballand maanta  waxaad  haystaan dhismahan quruxda badan,waxaan idinka rajeynayaa in aad xafidataan,waxaa tahiin dad dhalinyaro  ah,waan dareemi karaa  in masulayadda weyn ay idin sarantahay,aniga waxaan idinku dhiira galinyaa shaqdiina,si jiilka soo koraya ay fursado u helaan”. Ayuu yiri Wasiir Qaloocow.

Bishii July ee Sandkii hore ayaa la dhagax dhigay Xarunta maanta daahay duray waxaana ayna qeyb ka qaadanayso horumarinta adeegyada Bulshadda ee Dowlad wanaaga,Wasaaradda Maaliyaadda gaar ahaan ayaa Qaar ka mid ah Gobalada dalka ka wado mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor