Sawirro:-Xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa dekada Magaalada Boosaaso

Waxgaradka Maamulka Puntlnd oo maanta kulan ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa hesiis kala dhex dhigay Ganacsatda iyo Maamulka kadib markii ay isku khilaafeen Shirkadda lagu wareejiyay Dekada Mgaalada Boosaaso.

Kulanka xal looga gaaray khilafka ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Ganacsatada Puntland, qaar ka mid ah waxgaradka Puntland, iyo Bulshada qeybaheeda kuwaas oo dhamaantood heshiiska ka qeyb galay.

Qodobada Maamulka iyo Ganacsatada ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah.

1:-In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada

2:- In Maamulku uu soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso

3:-In la taageero Mashaariicda Horumarineed ee la girgelinayo

-In qodobada  ay soo saareen waxgaradka ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo

Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana ay dalbadeen in la dhaqan geliyo, isla markaana guddi ay waxgaradku u sameeyen ay daba galaan.

Dhinaca kale Masuuliyinta Puntland ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska, waxaana ay sheegen inay hirgalin doonaan qodobada lagu heshiiyay dhinacooda.

Heshiiskan ayaa soo afmeeraya murankii mudada soo taagnaa oo u dhexeeyay Ganacsatada iyo Maamulka ee dekada Boosaaso waxana hakad ku jiray in mudo ah  shaqada Dekada Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media