Sawirro:-Wasiirka Magacaaban ee Arrimaha Dibada Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow soo gaartay diyaarad siday Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradd Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad kaas oo uu maalma ka hor Magacaabay R’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Munaasabad kooban oo soo dhaweyn ah ayaa loo sameeyay,waxa uuna dalbaday in lala Shaqeeyo.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu xilkaan kala wareego Wasiirkii xilka laga qaaday ee Yuusuf Garaad Cumar.

Sawirro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media