Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo xilka la wareegay

Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay xafladda Wasiirka guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil,Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa munaasabadaasi suugaan ka tarjumaysa gubaabada ciidamada iyo ahmiyadda difaaca dalka ka soo bandhigay kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhawaan la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media