Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta garay Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Garoonka Diyaaradaha Shati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa Eafdiga ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen  Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Wardheere Cabdiraxmaan, taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad Ibraahim Yarow, iyo shacabka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Cabdirashiid ayaa Maalmaha soo socda sii joogi doona Magaalada Baydhabo Waxa uuna Warbaahinta u Sheegey Inuu Hordhac u yahay Safaro ay ku kala tegi doonaan isaga iyo wafdigiisa  Gobolada Baay Bakool iyo Gedo.

Hoos Ka Daawo Sawirada soo dhaweynta Wasiirka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media